Madaxda Dowladda iyo Qurba Joogta oo Shir Uga Furmay London

Waxaa goor dhow maagalada London ee dalka Ingiriiska uu shir uga furmay madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo qurba joogta, kaasi oo looga hadlayo arrimaha dalka.

Shirka yaa si gaar ah looga hadlyaa doorka ay qurba joogta ka qaadan karaan arrimaha dib u dhiska , iyo hormarada ka socod dalka, si ay kaalin uga qaatan dadaalada hormaraneed ee loo baahanyahay in lagu hormariyo.

Madasha waxaa sidookale ku sugan xubno ka socdo beesha caalamka oo qeyb ka ah shirka furmay, iyadoo si aad ah loo lafa gurayo xaaladaha dalka.

Berri oo Khamiis ah 11-ka bisha May waxaa magaaladaasi ka furmaya shirka London oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo hada diyaar ay ugu yihiin magaaladaas madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo ka qeyb galaya shirkaasi.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media