Madaxda Dowladaha IGAD oo maanta kulan khaas ka yeelanayo Arrimaha Somalia iyo South Sudan

Inta badan Madaxweynayaasha dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa ku sugan caasimadda dalka Uganda Uganda ee Kampala, si ay u yeeshaan Kulan Khaas ah.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegay inay Madaxweynayaasha dalalka Uganda, Yoweeri Museveni, Kenya, Uhuru Kenyatta, Sudan, Jeneral Omar Hassan Ahmed Albashiir iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn maanta yeelan doonaan Kulan Khaas ah oo albaabadda u xiran.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, ayaa shir-guddoomin doono Kulankaasi oo diiraddalagu saarayo Arrimaha Somalia, Hawlgalka AMISOM, La-dagaalanka Alshabaab iyo Meelmarinta Heshiiska Nabadda ee dalka South Sudan oo xilligii loo qabtay ku ekaanayo bishan August 17-da.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Arrimaha Afrika, Linda Thomas Greenfield waxay Kulan Khaas ah la yeelatay Madaxweynaha Uganda.

Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee magaalladda Kamapala ayaa ahaa shir gaar ah oo aysan cid kale ku wehlinin.

Warar laga helayo Kualnkaasi ayaa sheegayo inay Labada Mas’uul ka wada hadleen Hawlgalka AMISOM  iyo meelmarinta Heshiiska Nabadda ee South Sudan, oo ay Dowladda Maraykanka qeyb ka tahay Nabadda dalkaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor