Madaxda Galmudug iyo Puntland oo qaaday Tallaabo Ku-dayasho Mudan.

Bishii la soo dhaafay ee November 22-dii waxa uu dagaal ka qarxay magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo ee Caasimadda Gobalka Mudug.

Waxa uu iska horimaadkaasi u dhexeeyey Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Puntland iyo Galmudug, oo iyagu aan hore Jaal Siyaasadeed u ahayn, wuxuuna dagaalkaasi sababay inay Dowladda Federalka iyo Wakiilladda Beesha  Caalamka dadaal u galaan sidii loo damin lahaa Colaadaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 50-qof

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas iyo dhigiisa Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waxaa lagu cadaadiyey inay taageero ka geystaan sidii loo damin lahaa Colaadda Gaalkacayo.

Inkastoo ay markii hore ka madax adeegeen, haddana waxaa lagu kordhiyey Cadaadis-saarka ee Gudaha iyo Caalamka, waxayna taasi soo dedejisay inay saxiixaan Heshiiska Nabadda Gaalkacayo.

Ergayga Gaarka ee Ururka IGAD, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaana si waadax ugu sheegay in Mas’uulkii dagaal-ooge noqda uu khatar ugu jiro in loo aqoonsado Dembiile Dagaal, loona gudbin doono Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC ee magaalladda The Hague ee dalka Holland ama The Netherlands.

Farriinta Diplomaasigaasi waxay bedeshay Jihadii Siyaasiyiinta isku hayey Gaalkacayo, kuwaasi oo markii dambe door-biday inay saxiixaan Heshiiska Nabadda, isla markaana ay Jaal ku noqdaan Siyaasadda.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas oo horey dibnihiisa ka ilaalin jirey Dowlad-gobaleedka Galmudug waxa uu haatan u nugulaaday inuusan carrabka ka dhowrin Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Waa Tallaabo-siyaasadeed Wanaagsan oo Ku-dayasho mudan, waayo  Madaxdii isbuucii hore dab iyo baasiin isku ahaa waxay haatan noqdaan Jaal-siyaasadeed, oo gacmaha is-haystaan, isku meel wax ku wada cunayo, madal kastana kaga tashanayo Mustaqbalka Heshiiska Nabadda ee Danta u wada ah Ummadda Soomaaliyeed, ka sokow Reer Gaalkacyo.

Teeda kale, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashiid Ali Sharmaarke ayaa noqday Siyaasiga Nabadda Somalia ee Sannadkan, kadib, markii uu Geed Gaaban iyo Geed Dheer u laacay sidii loo damin lahaa Olola Colaadda Siyaasadeysnayd ee Gaalkacayo.

Xaqiiq ahaan, Ra’isul-wasaaraha oo dhal Siyaasad ka soo jeeda, waxa uu dadaal xooggan u galay sidii Xal-siyaasadeed loogu heli lahaa Colaadda Galakacayo.

Waxa uu u dul-qaatay Caqabadaha uga imaanayey Labada dhinac, wuxuuna Halbeeg Siyaasadeed ku sameeyey Ubucda Khilaafka, wuxuuna Madal kasta ka sheegayey inay Maslaxadda Ummadda ku xiran tahay Maslaxadda Siyaasadda iyo Ammaanka.

Tallaabadii maanta ee ay Madaxda Galmudug iyo Puntland isku casuumeen, isla markaana ay Ummadda u muujiyeen inuusan u dhexeynin Khilaaf Shaqsiyaadeed ayaa waxaa uu Baraarujin Siyaasadeed u noqon karaa Dhamasytirka Qoddobadda ka harsan Heshiiska Nabadda Gaalkacyo.

Siyaasiyiinta Aragtida San leh ayaa soo dhaweeyey Niyadsamida Gaas iyo Guuleed, kuna tilmaameen Hoggaamiyayaal Ku-dayasho mudan.

Balse, Siyaasiyiinta Aragtida Mucaaradka leh ayaa sheega in Gaas iyo Guuleed dhigayaan Bandhig Siyaasadeed, kana daacad ahayn Heshiiska, balse ay ka walaacsan yihiin in loo aqoonsado Qas-wadayaal iyo Dagaal-oogayaal laga diiwaan geliyo Maxkamadda Caalamiga ee The Haig.

Haddii ay Hoggaamiyayaasha Galmudug ka dhabeeyaan Heshiiska Nabadda waxaa loo aqoonsan karaa Halyeeyo u tanaasulay danta dadka iyo dalka Somalia, isla markaana dhiiri-gelin u ah Hiigsiga Qaranka ee sannadka 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Kala-qeybsanaanta Gaalkacayo ayaa ah Caqabad Siyaasadeed iyo Bulsho, waxaana habboon in laga fekero Xal Mideysan oo lagu tirtirayo Khadka Cagaaran ee Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, illayn Danta Ummadda ku nool Gaalkacayo waxay ku nafisi karaan inay dhistaan Maamul Mideysan iyo Magaallo Mideysan, haddii kale, xaalladdu waxay la mid noqon kartaa Jug-Jug meeshaada Joog oo kale !!!!

© Radio Dalsan