Madaxda Beerta Nabada oo diiday amarkii Maamulka G/Banaadir iyada oo dadka gelaya lacag laga qaadayo

Go’aankii ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa in aan wax lacag ah lagu gelin Beerta Nabada oo ah goob loo dalxiis tago aayanan weli noqon mid dhaqangala.

Wariyaaheena Cabdinaasir Yuusuf Socdal,oo booqday Beerta Nabada isagoo u kuur galayay in uu dhaqan galay amarkii Maamulka gobolka Banaadir ayaa indhihiisa ku soo arkay in aan weli wax isbedelin.

Dad badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir aya Beerta ku sugnaa kuwaas oo taagnaa Irida hore ee laga galo,iyagoo ku soo baxay Warkii ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir balse loo sheegay in lacag looga baahan yahay.

Lama oga talaabada uu arintaan ka qaadan karo Maamulka gobolka Banaadir,iyada oo Shacabka Muqdisho ay ku jahwareersan yihiin hadalada ka soo kala baxaya Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir iyo Beerta Nabada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media