Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan G/Galgaduud

Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Qaar ka mid ah Xildhubaanada Galmudug ayaa  Maanta gaaray Deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Deegaanada uu madaxa Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xildhibaanada ay gaareen waxaa ka mid ah Laas-xaadow, Hulku-jir, Baag Mayeeraan iyo Balli-howd,waxaana ujeedka socdaalkooda uu yahay nabadeynta dadka deegaanadaasi ku nool.

Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo la leh Qeybaha Bulshada Deegaanka Balli-howd waxyaabaha laga wada hadlayo ayaa waxaa ka mid ah Sidii looga shaqayn lahaa Nabad-galyada, Horumarinta iyo sidii Dadku Maamulka ula shaqayn lahaayeen .

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dawlad Goboleedka Galmudug waxay dadaalo ugu jereen sidii Dib u heshiisiin looga Hirgalin lahaa Deegaanada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media