Madaxa Hay’adda UNHCR oo berrito booqasho imaan doona magaalladda Muqdisho

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu berrito booqasho ku yimaado magaalladda Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay inuu Antonio Guterres kala hadli doono Madaxda Dowladda Federalka xaalladda Qaxootiga Soomaalida iyo qaabka lagu  soo celin karo Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya.

Booqashadiisa ayaa timid, kadib, markii ay Beesha Caalamka walaac xooggan ka muujiyey go’aankii Dowladda Kenya ee ay ku sheegtay inay muddo 3 bilood ah lagu soo daad-gureyn doonto Qaxootigaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa shaaciyey inay Dowladda Kenya  ugu deeqeen 45 million oo Dollar, taasina waxay soo dedejisay inay Dowladda Kenya ka laabtaan go’aankii dib loogu soo celin lahaa Qaxootiga Soomaalida.

Dhinaca kale,  Madaxa UNHCR, waxa uu haatan booqasho saddex maalmood ah ku jooga magaalladda Nairobi, isagoo kulamo la leh Madaxda dalkaasi.

Afhayeenka Xafiiska UNHCR ee dalka Kenya, Emmanuel Nyabera ayaa sheegay inay Antonio Guterres iyo  Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka wada hadli doono qorshaha Kenya ee arrimaha  Qaxootiga Soomaalida.

Antonio Guterres oo u dhashay dalka Portuqal, waxaa la filayaa inuu maalinta Jimcaha ee soo socota booqasho ku tago Xeradda Dhadhaab, isagoo kulamo la qadaan doona Hay’addaha Caalamiga ee ka hawlgala Xeradaasi iyo  Wakiilo ka tirsan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradaasi.

Ugu yaraan 500,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa ku sugan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Caalamka, waxayna ku nool yihiin xaallado adag, iyadoo ay Dowladda Kenya ku eedeynayso Qaxootiga inay ku lug leeyihiin weeraradda ay Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Diplomaasiyiinta Beesha Caalamka ee ku sugan Kenya ayaa sheegay inaan caddaymo  buuxa loo haynin  eedeymahaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor