Madaxa Hawlgalka AMISOM oo ka digay inay Alshabaab carqaladeeyaan Doorashooyinka .

Ergayga Gaarka ee Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Francisco Caetano Jose Madeira ayaa shaaciyey inay  Alshabaab ka difaaci doonaan Doorashadda Madaxtinimadda  ee dabayaaqada sannadkan ka dhici doonta Somalia.

Ergayga oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho, waxa uu ka hadlay qoddobo badan, oo ay ka mid yihiin Guulihii ay AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka ee SNA ka gaareen Dagaalladdii ay Alshabaab kaga saareen qeybo ka mid ah Gobalka Sh/dhexe, Hirgelinta qoddobaddii ay Madaxda Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ku yeesheen dalka Jabuuti iyo sugidda ammaanka Doorashadda Somalia ka dhici doonta dabayaaqadda sannadkan.

Ergayga waxa uu tilmaamay inay u diyaar garoobeen sidii Alshabaab looga saari lahaa Degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay wiiqeen awooddiii Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu ka digay khatarta Alshabaab, isagoo tilmaamay inay Alshabaab khatar ku yihiin guud ahaan Caalamka.

Ergayga waxa kale oo uu ka hadlay Wada-shaqeynta AMISOM la leeyihiin  Dowladda Federalka iyo Dowladaha saaxiibadda ah, wuxuuna ku celceliyey inay AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka ee SNA ka wada shaqeyn doonaan sidii Doorashadda ugu dhici lahaayeen jawi wanaagsan, iyadoo aan laga cabsi qabin inay Alshabaab arbushaan Nidaamka Doorashadda ee Somalia.

Ergayga Gaarka ee Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Francisco Caetano Jose Madeira waxa kale oo uu ka hadlay Hawlgalkii Alshabaab looga saaray Degmooyinka Ceel-baraf iyo Biyo Cadde, wuxuuna xusay inay carruurta bilaabeen inay Dugsiyadda aadaan, si ay wax u bartaan.

Ugu dambeyntii, waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageeraan Ciiddanka AMISOM oo uu tilmaamay inay Naf-hurnimo ku wadaan Hawlgalka lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Jaraa’id ee Francisco Madeiro maanta ku qabtay magaalladda Muqdisho ayaa ku soo beegantay, kadib, markii uu shalay Kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isla eegeen Taabagelinta qoddobaddii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowladda AMISOM ku yeesheen dalka Jabuuti.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor