Madaafiic loogu dabaal-degayey Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo dad ku dhaawacay Waqooyiga Gaalkacyo.

Ugu yaraan 5 qof  aaya la sheegay inay ku dhaawacmeen Waqooyiga Gaalkacyo, kadib, markii  ay ku habsadeen Madaafiic loogu dabaal-degayey Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo maanta ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee Galmudug oo ka dhacday Degmadda Cadaado.

Rasaas fudud iyo Madaafiic ayaa oodda laga qaaday isla markii lagu dhawaaqay inuu Xaaf ku guuleystay Xilka Madaxweynaha ee Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Galmudug ayaa maanta yeeshay Madaxweyne la doortay, kadib, markii ay muddo 2 bilood iyo 6 maalmood uusan Maamulkaasi lahayn wax Madaxweyne ah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media