Madaafiic lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Baladweyne

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya Al-Shabaab oo saakay aroortii weerar madaafiic ah ku qaaday Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka Baledweyne ku sugan ayaa sheegaya inay maqleen saaka aroortii tiro madaafiic ah oo Shabaab ay ku soo garaaceen Saldhiga ciidamada Jabuuti, markii laga baxay Salaada Subax.

In kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas ayaa hadane waxaa la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen Saldhigga.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay howlgallo ka wadaan Goobihii ay saakay Waaberigii Al-Shabaab hoobiyayaasha ka soo tuureen.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino balse qaarkood waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media