Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar

Weerar loo adeegsaday Madaafiic ayaa Al-Shabaab sheegteen in ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Amiso ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

War Qoraal ay oo ay soo dhigeen Barta Internet-ka ay ku leeyihiin ayay ku sheegeen in Xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay tiro Madaafiic ah ku garaaceen Fariisinka Amisom ee Garoonka Diyaaradaha Jowhar.

Al-Shabaab mashaacin khasaaraha ay geesteen Madaafiicdaas ay sheegeen in ay ku garaaceen Saldhiga Amisom ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada jowhar islamarkaana ay Guul ka gaareen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegen in halkaas ay ku sugnayeen Saraakiil Cadan ah oo shalay halkaasi tegay taas oo keentay in ay xalay bartilmaameedsadaan.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay Maamulka Degmada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino Warka ka soo baxay Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media