Madaafiic lagu garaacay fariisin Ciidamada Amisom ku leeyihiin Shabeellaha dhexe

Madaafiic ayaa xalay lagu garacaacay fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Buurane ee duleedka Magaalada jowhar xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiicda,balse aysan xaqiijin karin in ay ku dhaceen gudaha Fariisinka ciidamada Burndi ee deegaanka Buurane.

Weli macada khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas,waxaana dhankooda ciidamada Burundi ay rideen tiro kale oo Madaafiic ah oo jawaab u ah kuwii lagu tuuray.

Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka waxa ay ku qoreen in Madaafiicdii ay tuureen ay ku dhaceen Gudaha Xerada Ciidamada Amisom ee deegaanka buuraane,islamarkaana ay khasaaro u geesteen.

Dhanka Amisom weli kama hadlin weerarka Madaafiicda ah ee xalay lagu qaaday fariisinka Ciidamadooda ay ku leeyihiin deeaganka Buurane ee duleedka Magaalada jowhar Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media