Madaafiic lagu garaacay deegaanka Biya-Cadde ee G/Shabeellaha Dhexe

Tiro Madaafiic ah ayaa waxaa xalay Al-Shabaab ay ku garaaceen deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Madaafiicdaan oo aan weli tiradeeda la cadeyn ayaa waxa ay ku dhacday deegaanka Biy-Cadde,sida ay radio Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in madaafiicda ka dib Ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ee deegaanka Biyo-Cadde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay mudo Saacad ka badan.

Weli macada khasaaraha ka dhashay Weerarka Madaafiicda ah iyo dagaalka xalay deegaanka Biya-Cadde ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab waxana tani ay walwal iyo cabsi ku abuurtay dadka ku nool deegaankaas.

Ugu dambeen weli waxaanan ka hadlin Maamulka deegaankaas ee dowladda Soomaaliya iyo waliba Al-Shabaab dagaalkii ka dhacay deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.