Madaafiic Ay Tuureen Ciidanka AMISOM oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac

Wararka naga soo gaarayo duleedka Muqdisho, gaar ahaan degaanka Arbocow oo ku dhow Ceelasha Biyaha ayaa ku waramaya in ay halkaasi  ku dhaceen mafaafic ay tuureen ciidanka AMISOM, kadib markii la weeraray xarun ay dagaanyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in AMISOM saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Arbocow ay Xalay wererar ku qaadeen Alshabab,islamarkaana sababtay inay ku jawaabaan maadaafi ku dhacday xaafado ka mid ah deegaannka oo ay dad ku dhinteen.

Goobjooge ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in madaaficdaas ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen dadkale.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday saldhiga ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbocow, waxaana inta badan khasaare kala kulma dadka deegaanka oo ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalka labada dhinac.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media