Macallimad Maraykan oo Ardayad Somali kaga naxsatay haddii ay Bam ku wadato Boorsadeeda Buugaagta.

Macallimad Maraykan oo wax ka dhigta Dugsiga Shiloh Middle School oo u dhow magaalladda Atlanta ee Gobalka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa waxay hadal-nacayb weliba Faquuq wehliyey ku tiri gabadh Somali ah  oo dhigata Dugsigaasi.

shiloh middle school 3Macallimadda oo aan magaceeda la shaacinin ayaa waxay gabadha Soomaalida oo 12-jir ah dhigatana Fasalka 8-aad si qaldan u weydiisay haddii ay Bam ku wadato Boorsadda lagu qaato Buugaagta.

Waxayna gabadhii u sheegtay Macallimadeeda inay boorsadda ku wadato Buugaagtii Dugsiga.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdirizak Aadam oo dhalay gabadha ayaa sheegay inay gabadhiisa ka argagaxday hadalka Macallimadda, maadaama aysan ka filayn erayo noocaasi ah Macallimadeeda.

Waxa u uintaasi ku daray inay Gabadhiisa u sheegtay Macallimadda  inay Buugaag ku wadato Boorsada.

Abdirizak Aden oo ah Ganacsade leh Bakhaar ahna Dareewal ayaa u sheegay Wargeyska The Atlanta Journal-Constitution inay gabadhiisa oo ku sii jeeda Fasalka in ay joojisay Macallimad, o oweydiisay waxay dhabarka ku sidato.

Waxa uu intaasi ku daray inay gabadhiisa u sheegtay Macallimadda inay xambaarsan tahay Buugaagta Dugsiga, balse Macallimaddii ayaa sii weydiisay haddii ay Bam ku wadato Boorsadda.

Abdirizak Aden waxa uu Wargeyska u sheegay inuu u tegay Kaaliyaha Maamulaha Dugsiga una sheegay qaladka ay Macallimadda ka gashay gabadhiisa, wuxuuna sheegay inuusan carruurtiisa barin in dadka la naco, mana doonayo inay dadka kale nacayb u muujiyaan ilmahiisa.

“Waxaan ka nimid Afrika, Waxaan nahay Muslim, waxaan ku nool nahay Maraykanka” ayuu yiri Aabahaasi, oo  intaasi ku daray inuu doonayo inuu gabadhiisa ka saaro Dugsigaasi (Shiloh Middle School).

Sloan RoachDhinaca kale, Afhayeenadda Dugsiyadda Dowladda ee ku yaalla Gwinnett County, Saloan Roach ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Atlanta Journal Constitution inay Macallimadda weydiisay Ardayadda haddii ay Bam wadato.

ENGINEERKA SAACADDA AXMED MAXAMED SUDANDhacdadaasi ayaa noqonaysa tii Labaad oo lagu kacayo Ardayda Muslimiinta ee wax ku barta dalka Maraykanka.

Bishii October, Arday u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Ahmed Mohamed ayey Macallimadiisa ugu yeertay Boliska, kadib, markii uu si caadi ah u tusiyey Saaxcad uu isagu soo farsameeyey.

Macallimadaasi waxay Boliska u sheegtay inuu wiilkaasi qarax wato, waxaana Ardayga inta la xiray loo kaxeeyey Salldhigga boliska, balse, waxaa ugu dambeyntii la ogaaday in qalabka uu watay ahaa Saacad uu isagu soo hindisay, soona farsameeyey.

Madaxweyne Barack Obama ayaa wiilkaasi la kulmay, kana raalli-geliyey qaladkaasi, balse Qoyska Wiilkaasi ayaa go’aansaday inay Wiilkooda ka saaraan Dugsiga loogu geystay Tacadiga.

Waxay Qoyskaasi u soo guureen dalka Qatar, halkaasi  oo uu Wiilkooda ka dhigto Dugsi, iyadoo ay Dowladda Qatar ka bixinayso Kharajka Iskuulka.

DAAWO SAWIRKA BOORSADDA GABADHA:

boorsada gabadha ardayadda wadatay 1

DAAWO AABAHEEDA OO KOR U HAYA BOORSADDA AY MACALLIMADDA TIRI: MA BAM BAA KU JIRA?!!!

aabeheeda oo kor u haya Boorsadda gabadhiisa

© Radio Dalsan