Maareeye: “Soomaalidu waa inay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed.”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inay waajib tahay in Soomaalidu ay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan. Soomaaliya horumar ballaaran baa ka socdo oo u baahan in si xoog leh la isu caawiyo, oo Soomaaliya Soomaali baa leh ee waa inaan isku tashanaa oo weliba aan usbuuca xoriyadda aan midnimadeena xoojinaa, isu samarnaa, isla markaasna aan danta guud wada eegnaa.

Wasiir Maareeye ayaa ka warbixiyey horumarka joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsaneyno maalin walba, ee dhanka amniga, dhaqangelinta nidaamka Federaalka, maaliyada, siyaasada, koboca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Horumar kasta oo ay Dowladdu sameyso waa inuu garab socdaa bulshada Soomaaliyeed oo kaalin mug leh ka qaadata sidii dalku u noqon lahaa mid nabad ah.

Wasiir Maareeyey ayaa yiri “3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Cadaado shir maamul u sameyn uu ka dhaco oo dadka deegaanka ay xildhibaanada deegaanka soo xushaan si ay aayahooda uga tashadaan, iyagoo dhowaan dooran doona Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug. Sidoo kale 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Hay’ada Caalamiga ee IMF ay tiraahdo Soomaaliya horumar weyn baa ka jira ee dhanka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Xafiiskii Dowlada Hoose ee Muqdisho aan dayactirano oo isku tashano. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn inaan barnaamijyada lagu weyneynayo dhaqanka soo bandhigo iyo kuwa Heesaha hirgelay haddii aysan jirin amniga ballaaran ee dalka ka jira. 3 sano ka hor suurtogel ma aheyn in Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa gobollada dalka ay isu yimaadaan oo aay aayahooda ka tashadaan iyagoo kaligood ah. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn inaan usbuuc walba shacabka u soo bandhigno waxqabadka Dowladda. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in Dugsiyada Sare ee Koofurta & Bartamaha Soomaaliya ay Imtixaan Mideysan u fadhiistaan. 3 sano ka hor suurtogal ma aheyn in dadkeena dibedaha jira loo gurmado marka ay dhibaato ku dhacdo dalalka ay joogaan sida dhacday dhibaatadii Koofur Sudan iyo tan Yemen ee hadda socota. Dadaaladaas oo dhan waxaa suurtogeliyey shacabka Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaatay sidii dalku u horumari lahaa, Dowladdana waxey u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed.”

“Bacdamaa lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadan, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo iska warqaba si ay u sahlanaato in gargaar lala gaaro kuwa tabaaleysan. Shacabka waxaan uga mahadcelineynaa sidii quruxda badneyd oo ay uga soo jawaabeen codsigii Dowladda iyo Guddiga Gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed oo sahashay in dadkaas qaxootiga ah la gaarsiiyo gargaar, tanoo runtii noqotay mid soo nooleysay rajadii iyo hamigii shacabka Soomaaliyeed qabay ee ahaa in Soomaalidu ay isku tashato. Haddaba dadkaas Qaxootiga ah iyo kuwa kale ee aan heli karin afur waxaa waajib nagu wada ah inaan xasuusano oo deris walba iska warqabo.

“Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa Hay’ada Horumud Foundation oo maxaabiista xabsiga dhexe iyo curyaamiinta gaarsiisay kaalmo suurto gelisay in bisha Ramadaan ku afuraan oo aysan ka welwelin afur. Sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurbo joogta waxaan ka codsaneynaa inay iyagana kaalin mug leh ka soo qaataan gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay isku filnaan karto haddii aan gacmaha is wada qabsano oo aan arrimaheena u istaagno. “

Wasiir Maareeye ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dowladdu ay diyaar u tahay in shacabka la gaarsiiyo marxalad ay aayahooda uga tashan karaan. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in la dardargeliyo barnaamijka hiigsiga 2016 si shacabku ay aayahooda uga tashadaan, horumarka ballaaran ee aan maalin walba sameyneynana waxuu na gelinayaa yidiidilo iyo hami wanaagsan. Soomaaliya Soomaali baa leh waana inaan gacmaha is qabsanaa oo u istaagnaa sidii aan dalkeena nabad uga wada dhigi laheyn shacabka Soomaaliyeedna ugu wada horseedi laheen horumar joogta ah, barwaaqo iyo nabadgelyo taam ah.”

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

1px

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor