Maareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.”

MoI Logo

Maareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.”

Nairobi, 11ka Maarso 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Nairobi kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya H.E. James P. McAnulty, Ku xigeenkiisa Brian Phipps iyo Madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay marxaladda dalku marayo iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka iyo qorsheyaasha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya. Waxaana ku faraxsanahay in kulankeena uu ahaa mid muhiim u ah warbaahinta dalka oo ay ku jiraan warbaahinta madaxa-bannaan.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ku fasaxsan yihiin horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameynayso dawladda Soomaaliya iyo in ay ka go’antahay sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo horumar ballaaran ka sameeya dhan walba, tanoo ah mid Mareykanka iyo caalamkaba dan u wada ah.

Wasiir Maareeye ayaa maalmahan waday dadaalo lagu horumarinayo warbaahinta dalka, isla markaasna dib u eegis ku sameynayey qorshaha iyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka. Arrimaha u qorsheysan Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ah tayeynta warbaahinta dalka, wacyigelinta bulshada, isku xirka bulshada iyo Dowladda iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah, si shacabka ay aayahooda uga tashadaaan.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

US Embassy1

US Embassy

US Embassy2

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor