Maareeye: “Maktabada Wasaarada waxey qeyb ka tahay horumarinta Warbaahinta Dalka.”

 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu shalay kormeeray mashruuca lagu dhisayo xarun Maktabad ay Wasaaradda Warfaafintu yeelato oo ujeedadeedu tahay sidii wariyeyaasha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xarun ay macluumaadka muhiimka ah ka helaan.

Dhismahaan cusub ee laga hirgalinayo xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka koobnaan doona labo dabaq oo leh in ka badan 20 qol ayaa qeyb ka ah barmaamijka dalkaaga dhiso ee ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhismaha oo isku jira qaar u baahan dayactir iyo qeyb bilow ah ayaa la qorshaynayaa in lagu dhamaystiro mudo 6 bilod ah. Wasiirka Warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ayaa kormeer ay ugu kuur galiyeen sida uu u socdo dhismaha qeybta cusub ee wasaaradda ku sameeyey .

“Waxaa sharaf wayn inoo ah in wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisku uu inagu soo booqdo mudane Maareye xaruntaan cusub laga hirgalinayo Wasaaradda Warfaafinta. Mudane Wasiir waxaa an ku fikiraynay mudo labo sano,waxaa uuna ku soo aaday fursad weyn oo ah in aad adigu nala joogto” ayuu yiri Bahlaawi.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqaranka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareye” ayaa tilmaamay in Lixda bilooda ee inagu soo aadan ay wasaaradda yeelan doonto muuqaal wanaagsan oo isugu jira dhismooyinka kale duwan oo laga hirgalindoono. ”Lixda bil ee soo socota Wasaarada Warfaafintu xagga bannaamijyada xagga waxqabadka iyo xagga dhismaha ay yeelan doonto muuqaal aad u wanaagsan oo warbaahinta Soomaaliya sare u sii qaada. Sidaad arkeysaan meeshaan burbursan bilo ka dib waxaad arkeysaan iyadoo aad u qurux badan sidoo kale waxaa inoo qorsheeysan in aan wasaaraada ka dhisno laabareeri ( Maktabad) aad iyo aad u qalabeysan oo internedkiisa iyo wixiisaba ay u dhanyihiin. Weriyeyaasha aya ka faa’iidi doona oo ay barnaamijyada ku diyaarsan doonaan, waxii macluumaad ay u baahan yihiina ay ka heli doonaan. Sidoo kale waxaa u suurto galeysa wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhan inay ka sameysan doonaan xaruntan daraasado cilmiyeed iyagoo ka helaya buugaag ay akhristaan, internetka oo ay wax ka baartaan, kana soo xigtaan taariikhda”,ayuu yiri wasiirka.

“Mashruuca sadaxaad ee noo qorsheysan sanadka 2015 dhamaadkiisa wariyeyaasha wasaarada maadaama ay shaqeeyaan 24 saac oo habeenadii ku jiraan shifti ku jiraan in aan u dhisno hotel”.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in weriyaasha ka howlgala warbaahinta qaranka ay qiimo weyn u leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.
DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

1

2

3

4

1px

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor