Maanta oo Adduunka laga xusayo Maalinta Dhimirka

Manta oo ku began 10 bisha October waa Maali loo asteeyay Maalinta Dhimirka Adduunka “ World Mental Health Day ”, waxaana maalin kasto marka bisha October ay 10-tahay laga xuso Adduunka oo dhan iyadoona lagu marti qaada hey’adda Caafimaad, Qurabo iyo dadka ay Maskaxda ka xanuunsanaya.

Sidoo kale waxaa manta oo kale Adduunka, munaasabadaha ka dhacay, lagu waxbaraa dadka, sidoo kalena lagu Abaalmariyaan iyadoo ay bar-bar socoto ololo xoogbadan.

Sanadkii 1992 ayaa ay aheed markii ugu horeysay oo Adduunka loogu dabaaldago manta oo kale, waxaana la abuuray Gole loogu magacdaray World Federation for Mental Health, taasoo kulmisay ururada ka shaqeeya caawinta dadka Dhimarka ka xanuunsanaya, waxaana xubno ka ahaa inkabadan 150 Dowladood.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in Bar-kamid ah bulshada Adduunka ku nool oo dhan ay saameysay Xanuunada dhanka Maskaxda.

Qaar kamid ah wadamada Adduunka, ayaa manta qeyb ka ah meelaha ugu xoogabadan, oo laga wado wacyagalinta dadka Dhimirka xanuunsanaya.

Adduunyada ayaa isku raacsan in wax yaabaha qofka ukeena in dhimirka uu ka xasuunsado ay qeyb ka tahay, Isticmaalka Maandooriyaha, Awood dari dhinaca shaqooyinka ee xaga Nolosha, Faquuqida dhinaca bulshada uu kala kulmo iyo kuwo kale oo aad ufarabadan.

Bartamaha Qarnigii 19 ayaa la amaaninsanyahay in Wlliam Sweeter uu soo dharaandhiriyay micnaha Ereyga “Mental Hygien” ama nadaafada Maxkixiiya si qofka uu udalacsiiyo caafimaadka maxkaxdiisa, taasoo ilaa iyo imminka lagu daraadaseeyo Jaamacadaha.

Sidoo kale hey’addaha Caafimaadka Dunida, ayaa qaba in dalalka ay ragaadiyeen Dagaalada sokeeye sida soomaaliya oo kale ay ka dhasheen dad badan oo Maskaxiiya udhibaatooway, kuwasoo ay saameeyeen Sunta Hubkii lagu dagaalamaya iyo dadka oo qaarkood eheladooda lagu hor dilay.

Mudo ku dhow 25 sano, oo fowdo iyo kala dambeeyn la’aan ay wadankaan geeska Africa dhaca uu ku jiray, ayaa waxaa dadka qaar ee dhimirka la ay la kulmeen daryeel la’aan dhinacwalba, inkastoo ay jireen xaruumo yar-yar oo si gaar ah loo leeyahay oo dadkaasi lagu haya.

WQ: Hassan Ali Osman Istiila

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor