“Maanan badalin magaca Banaadir ee waxaan ku celinay sidii hore ee loo isticmali jiray”Gudoomiye Thabit Abdi

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Abdi aya sheegay inuusan magac badalin balse uu ku celiyey sidi hore ee loo isticmaalo jiray xiligii hore.

Gudoomiyaha oo aan la xiriirnay ayaa intaa ku daray in magaca horey la isticmaali jiray uu ahaa Benadir sidaas darteedna ay ku qaateen in dib loogu celiyo siduu ahaan jiray balse wax uu cadeeyey ineysan jirin wax la bedelay.

Hadalka Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa yimid kadib markii baraha bulshada shalay aad looga hadal hayey in magaca gobolka la badalay .

Abdukadir Walaayo oo ka mid aha wariyayaashi hore ee Radio Muqdisho marna noqday afhayeenkii xukuumadii Ra’sal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka mid aha dadka baraha bulshada  ku falanqeeyey , waxa uuna sheegay in qoraallka Benaadir uu ahaa qaab qoraalki saxda ah ee la isticmaali jiray iligu dawladdi kacaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor