Maamulkii Degmooyinka Mahadaay iyo Cadale oo isbedel lagu sameeyay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulk Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta wxa xilalkii looga qaaday gudoomiyaasha  degmooyinka Mahadaay iyo Cadale iyo waliba ku xigeenada Maamulka degamda Cadale oo dhaamantood ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay ayaa waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) iyadoo lagu bedelay Gudoomiyihii hore Axmed xuseen Afrax halka Gudoomiyaha degmada Cadale loo magacaabay Muuse Maxamed Axmed (Kali) oo bedelaya Gudoomiyihii hore ee degmadaas Muxudiin Suudi Macalin.

Sidoo kale waxaa Xuseen Muxidiin Cabdulle loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga iyo Siyaasada degmada Cadale ayaa loo magacaabay halka  Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyadoo sidoo kale Xoghayaha Dowladda Hoose loo magacaabay Cabdi Xasan Maxamuud.