Maamulka Xudur oo ka hadlay xaalada amniga ee degmadasi

Maamulka degmada Xudur aya ka hadlay qaabka uu u fulay qorshihii amni oo ay soo sareyn horaanta bishan Ramadaan si ammaanka loo xaqiijiyo.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo ammaanka maamulka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed ayaa Dalsan u faah faahiyay waxa ay qabteyn maalmihii ugu dambeeyay.

Waxaana uu sheegay in la adkeeyay amanka goobaha bulshadu ay isugu imaado iyo masjidyada iyo wadooyinka laga soo galo magaaladasi.

Gudoomiye Aadan ayaa sido kale tilmaamay in magaalada Xudur aan looga baran qalalaaso amni oo waxaa uu sheegay in ay isku xiran yihiin bulshada iyo maamulka dagmadasi.

Talabadaan maamulka Xudur uu ku xaqiijinayo amaanka magaladaasi ayaa imaaneysa iyadoo inta badan goobaha ay ka arimiyaan dowlada iyo maamul goboleedyada bishan Ramadaan amaankooda aad loo adkeeyay si loo baqsado rasho ka dhaca deegaanadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor