Maamulka Soomaaliland oo Xabsiga Dhigay Ganacsato keenay Kaba uu ku qoaran yahay Magaca Allah

Ciidamada Maamulka soomaaliland ayaa xabsiga u taxaabay laba nin oo Ganacsade ah ku waas oo lagu eedeeyay in deegaanada Maamulkaas ay keeneen Kabo ay  xagga hoose kaga qoran tahay Magaca Allah (SW).

Kabahaan ayaa ah kuwa Ragga ay xirtaan waxaana maalmihii u dambeeyay Suuqa Hargeysa laga waday howlgallo ay ku aruurinayeen Guddi loo xilsaaray kaas oo ka socday wasaarada diinra iyo Awqaafta maamulka Soomaaliland iyagoo kaashana ciidamada Booliiska Soomaaliland.

Labadaan Nin ee Ganacsatada ah ayaa Maalmihii u dambeysay waxaa hadal hayay Bulsahda Magaalada Hargeysa iyada oo ay ciidamada Booliiska Soomaaliland balse markii dambe ay gacanta ku dhigeen.

Ganacsatadii Labadaan Nin ee Ganacsatada ahaa iyo Kabahii la aruuriyay ayaa haatan waxaa lagu hayaa Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa,waxaana xusid mudan in hada ka hor Magaalada hargeysa la keenay Kabo ay  ay xagga hoose kaga qoran yahay magaca Rasuulkeena Muxamed NNKH.

Shacabka Magaalada hargeysa ayaa aad ula yaabay Ganacsatada ku dhiiraday in Kabahaan ay ka Ganacsadan iyagoo taageeray talaabada ay qaadeen ciidamada booliiska maamulka Soomaaliland

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media