Maamulka Soomaaliland oo taageeray Go’aankii ka soo baxay Sacuudiga

Maamulka Soomaalialnd ayaa si buuxda u taageeray Go’aankii kas oo baxay 5 dal oo kamid ah Wadamada jaamacadda Carabta kaas oo ay ku sheegeen in ay xiriirka ugu jareen dowladda Qatar.

Shir ay yeesheen golaha Wasiirada mamulka Soomaalialnd ayaa la isku raacay in si buuxda loo taageero go’aankaas walow ay jireen wasiiro qaarkood kas oo horjeeday.

Wasiirka arrimaha  dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa weriyayaasha u akhriyey go’aanka ka soo baxay golaha Wasiirada waxa uuna u qornaa sidatan.

1- in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku

2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadalkaan ka soo baxay maamulka sida iskiiska ah isku magacaabay ayaa waxaa laag sugayaa jawabta ay ka bixiso dowladda Federaalka Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media