Maamulka Puntland oo culays culus lagu saaray baaritaanka Muwaadin Somali-Maraykan lagu dilay Qardho

Saraakiil ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa waxay Maamulka Puntland ku hayaan cadaadis, si  jawaab waafi ah loogu helo Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabi jirey Amaar Abdihamid Abdirahman, kaasi oo dhowr bilood ka hor lagu dilay Dugsi ku yaalla Degmadda Qardho.

Saraakiisha Boliska Puntland ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka Kiiskaasi, kadib, markii ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka cadaadis saareen Maamulka Puntland.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Senator Amy Klobucher  ayaa lagu sheegay inay Maamulka Puntland ee W/bari Somalia bilaabeen Baaritaanka dilkii Camaar Abdihamid Abdirahman

Hooyadda dhashay Marxuumka, oo lagu magacaabo Shukri Xersi  ayaa sheegtay in wiilkeeda bilowgii bishii May lagu dilay qolkii uu ka degganaa Dugsi la seexdo oo ku yaalla Degmadda Qardho.

Hooyo Shukri Xersi ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka u gudbisay cabashadeeda, kadib, markii ay wax warbixin ka weyday Madaxda Maamulka Puntland, oo iyagu ka mas’uul ah Degaanka lagu dilay Wiilkeeda.

Hooyadda waxay sheegtay in Wiilkeeda loo dilay isagoo Maraykan ahaa, waxayna codsatay in  gacan laga siiyo sidii maydka wiilkeeda loogu soo celin lahaa Gobalka Minnesota, si loogu aaso.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor