Maamulka Magaalladda Copenhagen oo u codeeyey inay xiriirka u jaraan Mujtamaca Islaamka ee Denmark.

Kulan ay xalay isugu yimaadeen Golaha Maamuulka Deegaanka ee Copenhagen “The Copenhagen’s Municipal Council” waxay xalay u codeeyeen inay joojiyaan wada-shaqeyntii kooxeed ee ay la lahaayeen Mujtamaca Islaamka e ku nool dalkaasi.

23-xubnood oo ka mid ah 30-ka xubnood ee Golaha Maamula Copenhagen ayaa u codeeyey in la joojiyo wada-shaqeyntaasi oo ay ku jiraan maalgelinta Mashaariicda Ka-hortaga Xag-jirnimadda “Anti-radicalization projects”.

Ku-xigeenka Duqa Copenhagen ee dhinaca Dhaqanka, Carl Christian Ebbesen oo ka tirsan Xisbiga The Danish People’s Party waxay go’aankaasi ku tilmaamtay qorshe fiican iyo dhabar-jebin muhiim ah.

Laakiinse waxaa fekerkaasi diidan mid ka mid ah Ku-xigeenadda Duqa Copenhagen oo lagu magacaabo Anna Mee Allerslev oo ka tirsan Xisbiga The Social Liberals (Radikale), waxayna sheegtay inuu Goluhu samaynayo qalad.

Go’aankaasi waxaa kaloo ka  hor yimid Siyaasiyiinta iyo Xisbiyadda dalkaasi, waxayna sheegeen inay arrintaasi kordhin kartoXag-jirnimadda iyo Weeraradda Argagixisadda.

Dhowr jeer oo hore ayaa laga digay inaysan Golaha Maamuulka Deegaanka ee Copenhagen xiriirka u jirin Mujtamaca Islaamka ee ku nool Denmark (Det Islamisk Trossamfund).

Saraakiisha magaalladda Copenhagen waxay bishan November 3-dii siiyeen Wakiiladda Kooxda Muslimiinta muddo 30-maalmood u cambaareeyaan hadalo kulul oo ay jeediyeen qaar ka mid ah Muslimiinta.

Mujtamaca Islaamka wey diideen inay bixiyaan raalli-gelin, waxayna sheegeen inay Tallaabo Sharciga la tiigsan doonaan Maamulka Copenhagen

Xisbiga Garabka Bidix iyo Isbahaysig Red-Green Alliance (Enhedslisten) wxay sheegeen haddii xiriirka loo jaro Golaha Muslimiinta inay Copenhagen noqon doonto mid ammaankeeda hooseeyo, waayo Mujtamaca Islaamka ma awoodi doonaan inay Saraakiisha ku soo wargeliyaan  dadka noqday Xag-jirka.

Dadka u dhuun-duleela Eedeymaha Golaha Maamulka Copenhagen u tirinayaan ayaa ah iyado oay Koox Muslimiinta Denmark bilowgii sannadkan Casuumaad u fidiyeen Iimaam British ah oo lagu magacaabo Haytam Al-xadaad, kaasi oo ay Saraakiisha magaalladda e xumeynaya Aragtida Dadla Islaamka waxay sheegeen inuu Alxadaad ku sheegay Yuhuudda inay yihiin Caddowga Ilaah iyo inay yihiin Ilmihii Doofaarka iyo Daayeeradda.

Si kastaba ha ahaatee Golaha Muslimiinta Denmark (Det Islamisk Trossamfund) waxay beeniyeen Eedeymaha loo soo jeediyey, waxayna qaadi doonaan Tallaabo dhinaca Maxkmadda, si loo laalo Go’aanka Golaha Maamulka Copenhagen.

DENMARK ISLAMIC SOCIETY

Xigasho: Thelocal.dk

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor