Maamulka Koofur Galbeed Oo Heshiis Dhinaca Amniga Ah La Galay Shirkad Maraykan Ah

Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca ammaanka la galay shirkad la magac baxday FSG taasoo hore lo oran jirey Blackwater,

Erik Prince,oo la dhahay Betsy Devos ah guddoomiyaha Guddiga fulintaFSG,ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay la wareegaan howlaha maamulka Mashaariicda iyo amniga Degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu intaa raciye Qorshahoda  in  uu kamidyahah dowlad goboleedka KoofurGalbeed in ay u dhisto deked,dhismo  deegaan iyo horumarinta dhul beereed.

Madaxa shirkadan Erick Prince ayaa hore u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee US Navy SEAL ayaa aasaasay shirkada ammaanka ee Blacwater balse markii  lagu eedeeyay dhibaatoyin ay ka geysteen dalka Ciraq ayuu shirkadda magaceedii u bedelay FSG.

“Mashaariicda Koofurgalbeed aan ka hirgelinayno waxaa ka mid ah dhinacyada dhulka,circa iyo badda iyo weliba in ammaanka la hormariyo,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda FSG.

Qorshaha shirkadan ayaa waxaa kamid ah dowlad goboleedka KoofurGalbeed ay u dhisto deked,dhismo  deegaan iyo horumarinta dhul beereed.

Ugu danbeyntiiMadaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo heshiiskan dhanka Koonfur Galbeed u saxiixay ayaa soo dhaweeye waxuuna hacabka iyo dowladiia u sheegay in ay guul u oo hooyatay  maamulkiisu uu na  soo dhaweynayo heshiiskan islamarkaana uu ka filayo in  ay daboolan baahiyaha Guud ee Gobalka. Tasoo in badan shabaab gacanta ku haayaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media