Maamulka K/Galbeed oo noqday Maamul-gobaleedkii ugu horreeyey ee diyaariyey xubnihiisa Aqalka Sare.

Inkastoo ay shalay ku ekeyd Xilliga Maamul-gobaleedyadda loogu qabtay inay ku soo gudbiyaan Liiska xubnaha uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka ayaa waxaa haddana dadaal xooggan muujiyey Maamul-gobaleedka K/Galbeed ee Somalia.

Madaxweynaha Maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tilmaamay inay soo dhamaystireen Liiska xubnaha Maamulka K/G uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay labo maalin guadheeda ku soo gudbin doonaan Liiskaasi, isagoo hoosta ka xariiqay inay Beelaha degga Goballadda hoos taga Maamulkiisa ka mid yihiin Liiska ay u soo gudbin doonaan Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federal.

Dhinaca kale, Maamul-gobaleedyadda kale ayaan weli soo dhamaystirin Xubnaha ay saamiga uga heleen 54-ka xubnood ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Maamul-gobaleedka Puntland ayaana la sheegay inuu culayska ugu xooggan ka jiro, iyadoo ay in ka badan 50 Siyaasi iyo Saraakiil hore u loolamayaan inay ka mid noqdaan 11-ka xubnood ee ay Puntland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor