Dhageyso:Maamulka K/Galbeed oo kahadlay Israsaaseyn dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacday Baydhabo

Saacadihii hore ee Jimcihii maanta ayaa xero barakac oo ku taalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka baay waxaa raashin loogu qeebinyay qoysaska Barakaaayasha ee Xeradaasi,Mar qura ayaasa laga war helay iska horimaad xeradaas ku dhexmaraya Ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Israsaaseyntan ayaana keentay in ku dhawaad 10-ruux oo kamid ahaa barakacayaasha raashinka loo qeebinayay ay geeriyoodaan tiro intaa kabadana wey ku dhaawacmeen.

4-Askari oo kamid ahaa Ciidamadii daagalku uu dhexmaraya ayaa geeriyooday,waxaana is badalay jawigii goobtii qoysaskaa raashinka loogu qeebinayay kadib mashaqadaa gooobta ka dhacday.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Axmed ayaa VOA-da usheegay in iska horimaadkaas uu si khalad ah  ku dhacay,walina ay wadaan baaritaano.

Waxaana lasoo sheegayaa in ay sii kordhayaan tirada dhimashada,oo dadkii dhaawac ahaan loo qaaday ayaa qaarkood iska bitaalka ku geeriyooday.

Halkan ka dhageyso Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed :

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media