Maamulka Jubbaland oo Tiro Maxaabiis ah ka siidaayey Xabsiyada M/Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Jubbaland uu xabsiga ka siidaayey tiro Maxaabiis ah oo ku xirnaa Xabsiyada Magalada Kismaayo.

Maxaabiistaas oo gaarayay ilaa 46 Maxbuus ayaa maanta laga siidaayay xabsiyada magaalada,kuwaas oo loo heystay dabiyo kala duwan.

Maxaabiistan ayaa lagu sii daayey cafis madaxweyne oo uu u fidiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor