Maamulka Hiiraan oo ka warbixiyay dagaalada magaalada Beledweyne

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa sheegeysa in uu wax laga xumaado ku tilmaamay gudoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali dagaalada ka socda Beledweyne.

Gudoomiyen ku xigeenka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beryahan ku soo laab laabtay xaafada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay dagaaladii labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaal beeledyada ayaa aad ugu soo noq noqday gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Hoose Dowlada Soomaaliya ayaana dowr cambaareysay dagaaladasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor