Maamulka Gobolka Banaadir oo Soo Saaray Wargalin Ku Socoto Wadaayaasha Gaadiidka Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Saalax Sheikh Maxamed ayaa soo saaray amar lagu wargalinya wadayaasha gaadidka Muqdisho, kaasi oo ah in aan wadada, Laga Bilaabo KM0-KM4 lagu dhaqi karin Gawaarida, si la mid ahna aan la dhigi karin Gaadiidka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa sidookale lagu sheegay in qofka Dukaameysanyo loo ogol yahay kaliya muda 30 Daqiiqo, islamarkaana shaqsigii aan fulin laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Taliska Taraafikada Gobolka ayaa la faray inay qabtaan shaqadaasi, si loo fuliyo amarkaan, iyadoo xalay si la mid ah guddoomiye Taabid uu soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in gaadiidka la dhigto ama lagu baakimo wadada Maka-almukarama.