Maamulka Gobalka Banaadir oo Xabsiga dhigay Kaabo-markhaatigii Suuqa Xamar-Weyne

Madaxii Canshuuraha  (Kaabo-markhaatiga) ee Suuqa Xamar-weyne, Maxamed Cali Ciid “Qaamuus” ayaa la sheegay in maanta la xiray, kadib, markii lagu helay inuu Ganacsatada Suuqa ka qaadan jirey Lacago Baad ah.

Xarigiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Ganacsatadda Suuqa Xamar-weyne u gudbiyeen Maamulka Gobalka Banaadir cabasho ka dhan ah Mas’uulkaasi, oo ay tilmaameen inuu si sharci-darro ah uga qaadi jirey Lacago uu ku sheegi jirey inay tahay Canshuurta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Ilo ku dhow Maamulka Gobalka Banaadir ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan in la xiray Madaxii Canshuuraha  (Kaabo-markhaatiga) ee Suuqa Xamar-weyne, Maxamed Cali Ciid “Qaamuus”, kaasi oo loo haysto inuu lunsaday Lacagihii Canshuuraha ee Suuqa iyo inuu Ganacsatada Suuqa ka qaadan jirey Lacago sharci-darro ah.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa soo dhaweeyey sida ay Madaxda  Maamulka Banaadir wax uga qabteen cabashadii ay u gudbiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Suuqa Xamar-weyne ayaa ka mid ah Suuqyadda ugu waa weyn magaalladda Muqdisho, waxaana ku yaalla Mehrado Ganacsi oo laga heli karo waxyaabaha daruuriga u ah nolol-maalmeedka, sida cuntada, dharka iyo qalabka Elektoroonik ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media