Maamulka Gobalka Banaadir oo mamnuucay gaadiidka aan Taarikada Lahayn.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xasan Jimcaale “Madaale” ayaa sheegay in la mamnuucay in Waddooyinka Muqdisho lagu dhex wado Gaadiid aan Taarigo lahayn.

Guddoomiyaha oo xalay Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la mamnuuca gaadiid noocaasi ah, isla markaana Mas’uul kasta iyo Rayid kasta looga baahan yahay inay Gaadiidkooda noqdaan kuwo Taarigo leh.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay magaalladda Muqdisho ku soo badanayaan Gaadiidka Bilaa Taarikadda ah, isla markaana ay Alshabaab weeraradda qorsheysan u adeegsadaan Gaadiid aan Taariko lahayn.

Dhinaca kale, Guddoomiye Yuusuf Madaale, waxa uu dadka Reer Muqdisho ugu baaqay inay goostaan Teesaraha Muwaadinimadda, isagoo xusay inuu muhiim u yahay Bulshadda.

Waxaa kaloo uu sheegay in wax badan laga qaban doono Amniga Muqdisho oo ay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen dilal qorsheysan, mana jirto cid loo soo xiray weeraradaasi oo uu ugu dambeyn weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federalka.

GUDDOOMIYAHA GOBALKA1 GUDDOOMIYAHA GOBALKA2

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor