Maamulka Gobalka Banaadir ma ku guuleysan doonaan Sugidda Ammaanka Gobalka Banaadir?

Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka waxay dadaal xooggan u galeen sidii ay uga hortegi lahaayeen Weeraradda qorsheysan ee Alshabaab ka fuliyaan gudaha magaalladda Muqdisho, waxaana jirta in inta badan laga hortago ama la fashiliyo, inkastoo ay mararka qaarkooda dhacaan weeraradda iyo qaraxyadda ay Alshabaab fuliyaan.

Khubaradda Ammaanka ayaana soo dhaweeyey Go’aankii lagu gaaray in Maamulka Gobalka Banaadir lagu wareejiyo Ammaanka Guud ee magaalladda Muqdisho iyo Ka-hortagga Weeraradda Alshabaab, waxayna tilmaameen inay Madaxda Gobalka Banaadir iyo Ururadda Bulshadda ku guuleysan karaan xal-u-helista Weeraradda Alshabaab.

Khubarada waxay rumeysan yihiin inay Habacsanaan iyo Isku-hallayn baahsan horey u jirtay, taasina waxay Alshabaab ka helaan Fursaddo ay ku fulin karaan Weeraradda u qorshaysan.

Aragtida in Maamulka Gobalka Banaadir la hoos geeyo Ammaanka Guud ee Gobalka Banaadir waxay ahayd Talo-soo-jeedin sannooyin badan  ka hor la soo bandhigay, balse lama siinin Mudnaan, sababo la xiriirtay  Madaxda Dowladda iyo Hay’addaha Ammaanka  oo u arkayey in xilligan lagu jiray Xaallad Adag oo Marshall Law ah.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa haatan la shaaciyey inay mas’uul ka noqon doonaan Ammaanka Guud ee magaalladda Muqdisho, iyadoo  ay Taliyayaasha Hay’addaha Ammaanka ee Gobalka Banaadir la shaqeyn doonaan Maamulka Gobalka Banaadir iyo kuwa Degmooyinka.

Khubarada Ammaanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Isla-xisaabtan min heer Tabeelo ilaa Heer Gobal, si loo dardar geliyo Sugidda Ammaanka iyo Hawlgalladda joogtadda.

Mashruucii Deriseynta Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa u muuqda mid shiiqay, isla markaana aysan Madaxda Degmooyinka xog hoose ka haynin Dadweynaha ku nool Degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin, isla markaana laga yaabo in qaraxyadda ka dhaca gudaha Muqdisho laga soo abaabulo Xaafadaha Gobalka Banaadir.

Marka qiimeyn guud lagu sameeyo Xasaasiyadda Sugidda Ammaanka Gobalka Banaadir waxaa habboon inaysan Madaxda Hay’addaha Ammaanka ee Heerka Qaran hal bacad lagu lisay ka dhigin Horumarka muuqda ee laga gaaray Sugidda Ammaanka Gobalka Banaadir, isla markaana ay habboon tahay in Nidaam Mataanayn Guud loo qeybsado Hawlaha Sugidda Ammaanka Gobalka Banaadir.

Haddii aynu sii bayaamino Qoddobkaasi, waxaa habboon in  Mas;uul kasta oo ka mid ah Taliyayaasha Hay’addaha Ammaanka Qaranka lagu mataaneeyo ugu yaraan 4 Degmo oo ka mid ah Gobalka Banadir, si uu Madaxda Degmooyinkaasi iyo Ciiddanka ku qoran loo carbiyo, la dhiiri-geliy, lagula xisaabtamo Waxqabadkooda ku aadan Sugidda Ammaanka iyo Ka-hortagga waxyaabaha lagu carqaladaynayo Ammaanka Ummadda.

Waxaa habboon inay Madaxda iyo Dadweynaha  iska kaashadaan  sugidda Ammaanka magaalladda Muqdisho, illayn Gacmo Wadajir wax ku qaban karaan, waxaana isweydiin mudan: “Maamulka Gobalka Banaadir ma ku guuleysan doonaan Sugidda Ammaanka Gobalka Banaadir?

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor