Al-shabaab ayaa Dad shacab ah ku xirxiray deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud kuwaasi oo la shegay in ay ka biyo diideen amarkii ahaa in ay keenaan dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen inay dadka xabsiyo dhigaan isla markaana ay waydiisteen lacago baad ah, isagoo intaa ku daray inay soo gaartay cabashada ay qabaan ehelada dadka ay xabsiyada dhigeen Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale ganacsatada deegaanno ka mid ah Gobolka Galgaduud ay Al-Shabaab ku amreen inay hub iibiyaan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay saamaynta ay reebtay lacagaha la diiday ee Shilin Soomaaliga, taa soo saamayn ku yeelatay bulshada ku nool gobollada dhexe ee dalka, isagoo ka dalbaday ganacsatada ugu baaqay inay wax ka qabtaan caqabadaha ay keeneen lacagaha la diiday.