Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dilka Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud

War Qoraal ah oo  laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa looga hadlay Dilkii Xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud ee Dowladda Galmudug Marxuun Maxamed Daacir Sheekh Cali Cilmi oo ay dileen Gacan ka Xaqdaran.

Inaa Lilaahi wa inaa Ileeyhi raajicuun,anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Shacabka Reer Galmudug waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka iyo Carruurtii uu ka baxay Marxuun Maxamed Daahir Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Galmudug,waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Alle hanaga siiyo Walaalkeen,asna Kitaabkiisa Midigta Alle ha kasiiyo.

Waxaa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah oo nagu qaali ah,waxaa dilay Cadaw aan kanaxeyn Ummaddda Soomaaliyeed,waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay Caddaaladda horkeenaan Cid kasta oo falkaas ka dambeysay “ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media