Maamulka Galmudug oo gacanta ku dhigay Burcad dhac geysatay

Ciidamada NISA iyo Booliiska Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay Maleeshiyaad gaadiid ka dhacay deegaanada Maamulka Galmudug.

Taliye ku xigeenka Saldhiga dagmaada Cadaado Cumar Macalin Cali ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad dhac ka geystay intaa u dhexaysa Cadaado iyo Cabudwaaq oo ka tirsaan deegaanada Galmudug.

Wuxuu sheegay Taliyaha Saldhiga magaalada Cadaado ayaa sheegay in raga gacanta lagu soo dhigay ayaa  u gudbiyen saldhiga  dagmaada  cadaado laalana  xisabtami doona  falaalka amaan daro oo ay ka wadeen deegaanada Maamulka Galmudug.

Sido kale,Taliyaha wuxuu  sheegay in lagu daba jiro mid kamid ah raggaasi  geystay dhaca kana baxsaday  goobta  laamaaha,ciidamada amniga ay baadi goobayaan sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii loo xasilin lahaa deeganada maamulkaasi loogana hortagi lahaa dadka falalka amaandari wada.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media