Maamulka G/Banaadir oo burburiyey Xaruntii Shirkada Nadaafada ECCO ee Ceelgaabta

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Maanta waxa uu bur burin kula dhaqaaqay dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta halkaas oo Xarun u aheyd shirkada ECCO oo ka Shaqeysa Nadaafada.

Howlaha burburinta dhismaha waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaah Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho eng,Cabdiraxaman cumar Cismaan Yariisow,iyo masuuliyiin kale,waxana dhismaha Xaruntaas uu ahaa mid danguud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sababta dhismaahaas loo bur buriyey ay tahay in sideedii hore loogu soo celiyo maadaama uu yahay dhul Shacabka Soomaaliyeed ka dhaxeeyo.

Markii la doortay duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Yariisow ayaa  waxa uu soo saarey Wareegto uu ku joojinayey dhismaha Xaruntaas,isaga oo fulinayey amar ka soo baxay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media