Maamulka Degmadda Leego oo ka warbixiyay howlgal laga sameeyay degmadaasi

Gudoomiyaha degmadda Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar C/laahi Xuseen (Al Cadaala) oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa ka Warbixiyay howlgal ay ciidamadda ka sameeyeen degmadaasi.

Waxaa uu Gudoomiyaha tilmaamay in Howlgalka lagu soo qabqabtay tiro dhalin yaro ah kuwaas oo dhac u geesanayay shacabka halkaasi ku nool.

Gudoomiye Al cadaala ayaa ugu baaqay shacabka degmadda leego in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta Amaanka.

Degmadda Leego waxaa ku sugan rag ku labisan dareeska ciidamadda dowladda kuwaas oo dhac u geesta shacabka ku nool degmadda leego ee gobolka shabeelaha hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor