Maamulka Degmadda Hoosingow oo Ka Cabanaya Ciidamadda Maamulka Jubba


Gudoomiyaha Deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose Kheyr Jeelle Cabdullahi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Ciidamadda Maamulka Jubba ay dhibaato weyn ku hayaan Shacabka Deegaankasi.

Gudoomiyaha waxa uu shaaca ka qaaday in Maamulkooda uu ka shaqeyn la’yahay Ciidamadda Maamulka Axmed Madoobe.

Waxa uu ugu yeeray Madaxda Maamulka Jubba iney wax ka qabtaan dhibaatada ay ku hayaan Ciidamadasi Dadka Shacabka.

Ciidamadda Maamulka Jubba ayaa dhawaan xarig iyo jir dil u geystay Gudoomiyaha Deegaanka Hoosingow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor