Maamulka degmada Wartanabada oo kulan deg deg ah ka leh dilkii Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada

Xiligii Salaadi maqrib ayaa kooxo hubeysan waxa ay agagaarka Masjidka Cabada iyo Cawreere ee degmada Wartanabada ku dileyn Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmadaas.

In kastoo aan cidna weli loo qaban dilkaas ayaa Maamulka degamda Wartanabada waxa ay haatan la leeyihiin kulan deg deg ah oo looga arrinsano dilka guddoomiyii Ururka dhalinyarada degmada Cabduweli  Maxamed.

Guddoomiyaha degmada degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa ciidamada ammaanka ku amartay in ay sideg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Dilka loo geystay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilalka ka dhacaya Magalada Muqdisho oo ay masuuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media