Maamulka degmada Kaaraan oo isbedel lagu sameeyey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada Kaaraan iyo Xoghayihii degmadaas.

Masuuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa kala ah  Guddoomiye ku xigeenki Amniga iyo Siyaasada Saalax Maxamed Muuse,guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada Cabduqaadir Cigale,iyo Xoghayihii degmadaas Maxamed Suudi.

Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa Magacaabay dadkii bedeli lahaa masuuliyiintii xilka laga qaaday,kuwaas oo Maanta la filayo in ay xilka la wareegaan.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan degmooyin kale oo masuuliyiintooda isbedel lagu sameeyey,waxana ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor