Maamulka Degmada Kaaraan Oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad Dadka Ku Dhici Jiray Dagmadaas

Maamulka Dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa gacnta kusoo dhigay wiil dhalin yara ah oo shacabka Dagmadaas xiliyada habeenkii ah ugeesan jiray dhac oo uu ka qadan jiray mobelada iyo hadba waxii markaasi ay wataan.

Sida Sawirka ka muuqda wiilkaan dhlinyarda ah ayaa dhaca ku geesan jiray qori ka sameesan Alwaax iyo biro la isu geeyay oo uu kga dhigi jiray nin ku hubeesan mid kamid ah qoryaha fud fudud.

Maamulka Dagmada Karaan oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ay ciidamada amaanka Dagmadas ay ku guuleysteen soo qabashada tuugaas dhaca ka geesn jiray Dgmada isla mrkaaana uu ku xeranyahay Saldhigga Dagmada Kaaraan.

Dhanka Kale Dadka Shacabka ah ee reer kaaraan ayaa soo dhaweeyay tallaabadan lagu soo qabtay tuugii dhaca ugeesan jiray iyada oo inta badan uu ahaa mid dhaca la bar tilmaameedsada Haweynka iyo Dadka da,aada ah.

Gudoomiyaha Dagmada Kaaraan C/fitaax Xaaji Nuur oo La Hadlay Radio Dalsan ayaa bogaadiyay Ciidamada amaanka Dagmada iyo wada shaqeentii mira dhashay ee dhex martay shcabka iyo ciidamda taas oo suura galisay soo qabashada bur cadkaas masaakiinta dhibaanteen jiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media