Masuuliyiinta Maamulka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano duleedka kq ah degmadaas ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.
Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda oo marayay deegaan 20 Km u jirta ee Garbahaareey.
Gudoomiyaha degmada Garbahaareey ayaa sheegay in dagaalada halka ugu badan ay ka dhaceen deegaanka Qurac Googoo ay khasaaro u geesteen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay weli howlgalo ka wadaan duleedka degmada Garabahaarey kaas oo ay uga saarayaan Al-Shabaab.
Masheegin khasaaraha rasmiga ah ee ciidanka dowladda ka soo gaaray dagaalkaas,balse waxa uu cadeeyay in ay siiwadi doonaan howlgallada.