Maamulka Baraawe oo Wada Qorshe Garoon Diyaaradeed Looga Dhisayo Degmadasi

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta u sheegay iney wadaan qorsheyaal Garoon Diyaaradeed looga dhisayo Degmadasi.

Baraawe oo imminka ah Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Dalka Soomaaliya ma lahan Garoon Diyaaradeed.

Waxa Maanta la filayaa iney halkasi tagaan Wafdi kormeer ku sameynaya halka ku haboon dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee imminka lawado qorshaha Lagu dhisayo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor