Maamulayaasha Mandera iyo Beled-xaawo oo Kulan ka yeeshay si ay ugu  midoobaan La-dagaalanka Alshabaab.

Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamuladda magaallooyinka Mandera iyo Beled-xaawo ayaa kulan Hawleed ku yeeshay magaalladda Mandera oo ay kaga hadleen La-dagaalanka Alshabaab iyo Dembiyadda kale ee ka soo tallaaba dhulka xuduudaha.

Kulankaasi waxaa soo qabanqaabisay Golaha Qaxootiga ee Denmark “The Danish Refugee Council”.

GuddoomiyahaDegmadda Beled-xaawo, Bile Xufad Ibraahin ayaa sheegay inay Somalia ka go’an tahay sidii xal kama dambays ah loogu heli lahaa Nabadgelyo-xumida ka jirta Gobalka.

Guddoomiyaha oo horkacayo 10-xubnood oo ka yimid dhinaca Somalia ayaa  sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Somalia la wadaagi doonaan wixii xog ah dhigooda Kenya, si looga hortago Alshabaabka ka soo gudbayo xuduudka.

Warar ayaa jira oo sheegayo in Alshabaab xuduudka Kenya kaga soo gudbaan Degmadad Beled-xaawo.

Ku-xigeenka GuddoomiyahaMandera, David Mbevi ayaa isaga sheegay in loo baahan yahay dadaal waadajir oo dhex mara Somalia iyo Kenya si loola dagaalamo Alshabaab.

Dhinaca kale, Adan Abdirizak o oka socda Golaha Qaxootiga ee Denmark “The Danish Refugee Council” ayaa sheegay inay labada dhinac kala hadleen sidii ay Maamulayaasha u heli lahaayeen qaab wanaagsan oo lagu xalin karo colaadaha soo kala dhex gala Bulshooyinka ku wada nool Xuduudka.

Waxa uu intaasi ku daray in Tixgelinta Dhaqanka lagu suagyo Ammaanka Mandera iyo Beled-xaawo inuu dhisayo, isla markaana xoojinayo xiriirka labada dhinac ee Kenyai yo Somalia iyo in la sugo Ammaanka Gobalka.

©Radio Dalsan