Maamul Goboleedyada oo markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay Guddiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka

Waxaa la kordhiyey tirada Guddiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka,waxaana markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay lixda  Maamul Goboleed ee xiligaan dalka ka jira.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ayaa sheegay in markii ugu horeysay guddiga lagu daray lix xubnood oo ay iska soo xuleyn lixda maamul goboleed.

Waxa uu sheegay in markii lagu diray Lixda Xubnood uu Gudigu noqday 16 halka markii hore uu ahaa 10 Xubnood oo laga soo kala xulay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

16 Xubnood ayaa siwadajir ah waxa ay uga Shaqeyn doonaan dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya si loo dhameystiro,waxana horay ay wadatashiyo uga soo sameeyeen degmooyinka dalka,iyaga oo la kulmay madaxda Dowladda,Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media