Maalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day oo maanta loo dabaal-degayo

Waa hubaal inay Caalamka ka jiraan dhibaatooyin ba’an oo ay la kulmaan dadka, gaar ahaan Ummadaha ku nool Waddamadda ay Colaadaha iyo Macluusha halakeeyeen.

78.9 million oo qof oo ku kala nool 37 Waddan ayaa waxay u baahan yihiin Samafal nolol-badbaadin ah, iyadoo ku-dhawaad 60 million oo kalena lagu khasbay inay barakacaan.

Waxaana la hadal-hayaa inay tiraddaasi gaari doonto Hal Billion oo qof marka la gaaro sannadka 2050-ka.

Tiro-koobyo laga argagaxo ayaana ka muuqda dadka ku dhibaataysan Caalamka, iyadoo 9-kii qofba midkooda gaajaysan yahay.

Warbixin lagu soo beegay Sannad-guuradda 7-aad ee Maalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day ayaa waxaa lagu baaqay in si Caalami ah looga hortago dhibaatooyinka haysta dadka ku nool goobaha ay ka dhacaan Masiibooyinka Dabiiciga, Colaadaha iyo Macluusha.

Warbixinta Munaasabadda Maalinta Aadmnimadda Caalamka ayaa loogu baaqay Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon inuu qaado tallaabooyin lagu yareynayo khasaaraha Aadminimo iyo dhibaatadda ee ka dhasha colaadaha hubeysan.

Waxaa kaloo Hoggaamiyayaasha Caalamka, Ganacsatadda iyo Bulshooyinka  loogu baaqay inay ka soo qeyb galaan Shirweyne looga hadli doono Aadminimadda, oo la qorsheynayo in magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga lagu qabto bisha May ee sannadka soo socda.

Shirweynahaasi ayaa noqon doona mid qeylo-dhaan caalami ah loogu muujinayo Aadminimadda.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey walaaca laga qabo Badbaadada Samafalayaasha ku hawlan inay kaalmeeyaan dadka ku tabaalaysan Caalamka.

Samafalayaal Hay’addo Maxali iyo kuwo Caalami u shaqeeya ayaa waxaa sannadkii hore lagu dilay dalalka Syria, Afganistan, Pakistan, South Sudan iyo Afrikadda Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Dabaaldegga Maalinta Aadminimadda Caalamka ee maanta loo dabaal-degayo ayaa waxay muujinaysaa inay Caalamka ku soo kordhayaan Tacadiyadda ka dhanka ah Aadminimadda,  iyadoo in ka badan 100 million oo qof yihiin kuwo u baahan in la gaarsiiyo Kaalmooyin Samafal oo nolol-badbaadin ah.

Ma muuqdaan ifafaalo horseedi kara in si Caalami ah wax looga qabto Ka-hortagga Colaadaha, Macluusha, Cuddurka iyo Masiibooyinka Dabiiciga.

Maalinta Aadminimadda Caalamka ayaa waxaa loogu talagalay in la isku wacyi-geliyo Arrimaha Aadmnimadda, si loo dareemo xaqiiqda dhabta ee ay ku nool yihiin Malaayiinta qof ee wehelka u ah dhibaatooyinka nololeed ee ay sababaaan colaadaha, macluusha iyo Masiibooyinka Dabiiciga.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor