Shisheeye la soctay dooni ka timid Somalia oo lagu qabtay Xeebaha Kenya

Koox ka tirsan Ilaaladda Ciiddanka Badda ee dalka Kenya  ayaa la sheegay inay habeen hore ku qabteen meel ka baxsan Xeebta Degmadda Kilifi dooni ay la socdeen 100-qof oo u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Tanzania, kuwaasi oo Ciiddanka u sheegay inay yihiin Kalluumeysato, balse  doonida lagama helin  Qalabka lagu kalluumeysto iyo Kalluunkii ay soo jillaabteen.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay 80 u dhasheen dalka Tanzania, halka 26 kalena yihiin Kenyan ayaa lagu wareejiyey Boliska, waxaana lagu kala xiray dhowr Xaruun oo ku kala yaalla magaalladda Mombasa iyo Degmadda Kilifi.

Dhinaca kale, Sarkaal maanta u hadlay Boliska Kenya ayaa sheegay in dadkaasi looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, lagana yaabo inay ka yimaadeen Somalia.

© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor