Loolanka Laamaha Afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC & VOA oo laba kaclaynayo

Malaayiin qof oo Soomaali ah ayaa waxay si talantaali ah u dhegeysteen Barnaamijyadda iyo Wararka ay baahiyaan Laamaha Afka Soomaaliga ee Labada Idaacadood ee Calaamiga ee BBC iyo VOA.

Dhegeystayaasha wey ku kala duwan yihiin xulashadda baahinta Idaacadahaasi, waana qof iyo dooqiisa inuu dhegta u raariciyo hadba Idaacadda uu danaynayo.

Dhegeystayaasha wey dareensan yihiin Loolanka Labada Idaacadooda, gaar ahaan Wararka, Wareysiyadda iyo Barnaamijyadda ay maalin kasta baahiyaan, inkastoo Labada Idaacadood la kala dhegeysto xilliyo ay ku jiraan hawada.

Waxaana dhegeysiga aad u kordhinayo Idaacaadaha FM-yadda ee  inta badan magaallooyinka Somalia laga qotomiyey, haba ku kala dheeraadaan masaafadda  War-laliska Idaacadda.

Haddaynu eegno xilliyadda ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC hawada ku jiraan ayaa waxay soo galaan xilliyaddan oo ku sar go’an Waqtiga Bariga Afrika (EAT):-

BBC:- 07:00 –  07:30 aroortii, 02:00 – 02:30 duhurkii, 05:00 – 06:00 galabnimo, 09:00 – 09:30 fiidnimo.

VOA: 06:30 – 07:00 Aroortii, 04:00 – 05:00 galabnimo, 07:00 – 08:00 fiidnimo iyo 08:00 – 09:00 fiidnimo.

Shaxdaasi waxaan ka dareemi karnaa inaysan Laanta Afrika Soomaalida ee  Idaacadda VOA hawada soo gelin Duhurnimadda, maadaama Xilliga Maraykanka uu waqtigaasi u yahay Aroor hore.

Madaxda Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa galangal badan u ugu jira  sidii ay dhigooda BBC-da u barbareyn lahaayeen hal-dheeriga ay haatan ka wataan (Idaacadda Duhurnimo), waxaana aad loo hadal-hayaa inay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da bartamaha bishan June bilaabi doonaan Baahinta Idaacadeed ee Duhurnimo.

maaaaantaaaaaaaa

Baahinta Idaacadda Duhurnimo ee Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa lagu hawlan yahay sidii loo kala xulan lahaa labo Aragti oo ay Madaxda iyo Shaqaalaha weli La-tashiyo ka wadaan.

Waxaa talo lagu soo jeediyey in Xilliga Baahinta Duhurnimo laga dhigo  01:00 – 02:00 duhurnimo, iyadoo Talo kalena lagu soo bandhigay  inay Idaacadda duhurkii hawada ku jirto  01:30 – 02:30 duhurnimo.

Madaxda iyo Shaqaalaha VOA-da ayaa la sheegay inay isla gorfeynayaan kala xulashadda labadaa xilli,waxaana hubaal ah haddii la dhaqan geliyo  Jadwalkaasi inay albaabadda u sii furi karto Loolanka Warbaahinadda Caalamiga ee VOA iyo BBC (The International Media Competition).

Tifaftiraha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, Haaruun Macruuf iyo dhigiisa BBC-da, C/raxmaan Koronto oo iyagu ku soo saxaafad bartay Warbaahinta Muqdisho sannadihii 90-aad ayaa la arki doona sida ay u kala kasbadaan Dhegeystayaasha ku xiran Idaacadahooda (the support of their Radio audience

W/Q Abukar Ahmed Hassan “Dayax”

[email protected]

twitter@AbuukarAxmedXas

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor